Xarunta Caafimaadka Deegaanka Gumar ee gobolka Hawd oo xariga laga jaray.

0
99

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xarunta Caafimaadka Deegaanka Gumar ee Gobolka Hoowad ee maamulka Soomaliland ayaa Xariga laga jarey taasi oo dhismaheed iska kaashadeen dadka Deegaanka iyo qurbo joog.

Munaasabada xariga jarka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka maamulka soomaliland maamulka deegaanka odyaal iyo qaybaha kale duwan ee Bulshada.

Warbixintaan waxaa soojeedinaysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.