Xarunta dabi barista Boliiska Soomaaliyeed ee C.I.D oo dib u habeyn lagu sameeyay oo xariga laga jaray

0
310

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha Maxkamada Saree e dalka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarunta dabi barista Boliiska Soomaaliyeed ee C.I.D taas oo dib-uhabeyn xoogan lagu sameeyay kadib cabashooyin taliska boliiska uga yimid shacabka.

Masuuliyiintan iyo saraakiisha ciidamada waxa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay iyo goobaha dib-habeynta lagu sameeyay waxaana warbixin ku saabsan howlaha ay fuliso C.I.D ka dhageestay taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kormeerka kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay Maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha qaranka S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka mudane Axmed Cali Daahir ayaa kamid ahaa masuuliyiinta ka hadlay madasha.

Wasiir dowlaha wasaarada Maaliyadda XFS Maxamuud Xayir Ibraahim waxa uu ka hadlay muhiimada ay qaranka iyo bulshada u lee dahay C.I.D.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in barista danbiyada kala duwan ay u baahan tahay cilmi iyo cadaalad.

Guddoomiyaha maxkamada saree e dalka Baashe Yuusuf Axmed waxa uu bogaadiyay hoosha adag uu taliyaha boliiska Soomaaliyeed ka qabtay xarunta danbi barista C.I.D.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here