Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiye ku-Xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo uu Wehliyo Gudoomiyaha Degmada karaan farax cadaani ayaa xariga ka jaray xarunta Hay’adda Diiwaagalinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo laga hirgiliyay degmada karaan.
Munaasabadda xarig jarka xarunta ayaa waxaa goob joog ahaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir,kan Degmada karaan,xubno ka socday Hay’addaha Diiwaagalinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA iyo qaar kamid ah Bulshada degmadaasi.
Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq


