Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Cabdulaahi Xaaji Xasan ayaa dhagax dhigay xarunta maamulka iyo saldhigga booliska deegaanka Tawakal ee Shabeellaha Hoose.
Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa goob joog ahaa gudoomiyaha deegaanka tawakal Cabduqaadir Maxamed Diini mas’uuliyiin katirsan maamulka KGS iyo bulshada qeybaheeda kala duwan
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdullaahi.


