Baledweyne ( Radio Beerlula )-Isku duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ee gobolka Saaxil Dr Xassan Mataan iyo gudoomiyaha degmada Madheera Cumar Aadan Xusseen ayaa si wada jir ah xariga uga jaray xarunta xanaanada hooyada iyo dhalaanka degmada Madheera.
Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta caafimaad ayaa waxaa ka qeyb galay ku xigeenka duqa magaalada Barbara, xubno ka tirsan golaha deegaanka Barbara, odayaal dhaqameed, haween iyo marti sharaf kale.
Warbixintan waxaa soo jeedineysa Sahro Ibrahim Dhicisow


