Xasuuqa Ay Liverpool U Geysanayso Man United, Arsenal Oo Imtixaan Adag Maraysa, Natiijada Chelsea Keenayso Iyo Saadaasha Dimitar Berbatov Ee Toddobaadkan

0
85

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kaddib natijooyin kala duwan oo ay kooxaha Ingiriisku ka keeneen tartamada Yurub, waxa dib loogu soo noqonayaa horyaalka Premier League oo mar kale noqonaya xuddunta hadal-haynta, iyadoo si weyn indhaha loogu hayn doono natiijooyinka usbuucan.

Ciyaaro waaweyn ayaa la sugayaa usbuucan, waxaana ugu hadal hayn badan Manchester United oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey lagu soo garaacay Old Trafford ay safar ku tegi doontaa Anfield oo ay ku booqanayso Liverpool oo markii iskugu dambaysay ee ay garoonkan ku wada ciyaareen kusoo karbaashtay Red Devils 7-0.

Arsenal ayaa waxay iyaduna waajihi doontaa Brighton oo kusoo booqan doonta Emirates Stadium, waana kulamo ay natiijooyinkoodu wax ka beddeli karayaan figta sare ee horyaalka Premier League.

Dimitar Berbatov oo saadaaliyey kulamada toddobaadkan, ayaa waxa uu quus kasii dhigay kooxdiisii hore ee Mancherster United oo uu ugu sii bushaareeyey guul-darro kale oo niiyad-jab ah oo ay kala soo laaban doonaan Anfield.

Waxa kale oo uu Berbatov ka farxiyey Arsenal, Manchester City, Tottenham iyo xataa Chelsea oo uu u sheegay in ay guuleysan doonaan.

Saadaasha Dimitar Berbatov ee usbuuca 17aad ee horyaalka Premier League oo dhamaystiran

Nottingham Forest 0-2 Tottenham

Bournemouth 2-1 Luton Town

Chelsea 1-0 Sheffield United

Man City 3-0 Crystal Palace

Newcastle 1-1 Fulham

Burnley 2-1 Everton

West Ham 2-1 Wolves

Brentford 2-0 Aston Villa

Arsenal 3-2 Brighton

Liverpool 2-0 Man United