Xatooyada baabuurta oo ku soo badanaya dalka Canada.

0
53

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dalka Canada, gaar ahaan gobolka Ontario oo ay deggen yihiin qoomiyado kala duwan ayaa waxaa sannadihii la soo dhaafay ku soo batay xatooyo loo geysanayo gawaarida.

Laamaha ammaanka ayaa arrinkaas u xil saaray ciidan gaar ah, kuwaasi oo marar kala duwan soo xiray tobannaan qof oo lala xiriirinayo xadista gawaarida.

Gaadiidleyda dalka Canada gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Ontario ayaa ka walaacsan dhibaatada soo korodhay sannadihii la soo dhaafay.