Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer Netherlands, Xavi Simons, ayaa dhammeystiray ku biiristiisa Tottenham Hotspur isagoo kaga yimid RB Leipzig qiime dhan £52milyan, wuxuuna shaaciyay sababta uu u doortay Tottenham.
Simons, oo si weyn loola xiriirinayay Stamford Bridge xagaagan, ayaa ahaa bartilmaameed muhiim ah oo tababaraha cusub ee Chelsea, Enzo Maresca. Si kastaba, Blues kama aysan gudbin dalab rasmi ah, iyagoo mudnaanta siiyay saxiixa Alejandro Garnacho.
Taas ayaa fursad siisay Tottenham oo toddobaadkan lasoo wareegtay 22-sano jirkaan, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo lagu dari karo laba sano oo dheeraad ah.
Xiddigan ayaa sheegay in wadahadalkii uu la yeeshay tababaraha Spurs, Thomas Frank, uu ahaa go’aanka ugu weyn ee beddelay niyadiisa.
“Waan ku faraxsanahay, mana sugi karo inaan garoonka u galo kooxdan. Waxaan ku riyoonayay tan muddo dheer,” ayuu yiri Simons.
“Markii aan la kulmay tababaraha, isla markiiba waxaan dareemay in tani tahay meesha saxda ah. Mashruuca kooxda iyo kalsoonida uu tababaruhu ii muujiyay ayaa saameyn weyn igu yeeshay. Waxaan aaminsanahay inaan waxyaabo wanaagsan ku gaari doonno halkan.”


