Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xayawaanka loo yaqaano Guduudane oo ka talaabay xadka Masar ayaa weeraray saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Israaiil.
Xayawaanka guduudanaha ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada Israail ku leeyihiin xuduuda Masar iyo Falastiin, balse ay ciidamada israaiil degan yihiin oo ku talla agagaarka buurta Harif, halkaasi oo uu xayawaankanni ku weeraray kuna dhaawacay askar badan oo Israliiyiin ah.
Dhacdan ayaa noqotay mid aan hore loo arag, balse ku faaftay baraha bulshadda haddal haynteeddu noqotay mid ku faaftay wadamada Carabta.