Xeebaha Tunisia iyo Lampedusa oo noqday marinka ugu mashquulka badan ee tahriibayasha.

0
70

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xeebaha Tunisia ayaa noqotay marinka ugu mashquulka badan dunida, oo ay adeegsadaan muhaajiriinta doonaya inay gudaha u galaan Yurub.

 

200 oo kilomitir oo biyo ah ayaa u dhexeeya Tunisia iyo jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga oo hadda ah marinka ugu weyn ee tahriibayasha.

 

Lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, 54,049 qof ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ilaalada xeebaha Talyaaniga ama Tunisia, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, tiradaas oo laba jibaarantay marka loo bar bar dhigo tirada dadkii isku dayay inay gudbaan guud ahaan sanadkii 2022-kii.

In ka badan 2000 oo qof ayaa ku dhintay marinkan khatarta leh.