Xiddig Barcelona Ah Oo Shaxda Kooxda Looga Saaray Arrin Layaab Leh

0
156

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa xaqiijiyay in Jules Koundé uu waayay booskiisa kulankii ay 1-0 kaga adkaadeen Rayo Vallecano Isniintii, kadib markii uu soo daahay kulan kooxdu yeelatay kahor ciyaarta.

Tani waa markii labaad ee xilli-ciyaareedkan uu Koundé waayo booskiisa sababo la xiriira daahitaan. Wuxuu sidoo kale keydka galay kulankii Alavés bishii Oktoobar sababo la mid ah Midan.

Koundé ugu dambeyn wuxuu badal ku soo galay daqiiqaddii 66-aad isagoo beddelay Héctor Fort, halka gool uu horey u dhaliyay Robert Lewandowski rigoore qeybtii hore uu Barcelona dib ugu celiyay hoggaanka LaLiga. Flick wuxuu sheegay inuu la hadli doono daafaca reer France si uu xal ugu helo arrinta la xiriirta waqtiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here