Xiddig Chelsea U Ciyaara Oo Isku Dhacay Kadib Ceebtii Brighton.

0
22

Baladweyne (Radio Beerlula)- Tababaraha kooxda chelsea ee Graham Potter iyo xiddiga kooxda chelsea ee Christian Pulisic ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dheceen kadib guuldaradii Brighton.

Kooxda Chelsea ayaa guuldaro ceeb ka soo raacday kala kulanta kooxda Brighton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Sida laga soo xigtay Saxafiga Matt Law xiddiga Christian Pulisic Iyo Tababare Graham Potter ayaa isku dhacay markii qolka Labiska la galay.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in xiddiga iyo tababaruhu is dhaafsadeen hadalo kulul isla markaas dirqi lagu kala qabtay.

Tababare Potter ayaa badal ku sameeyay xiddiga Christian Pulisic qaybta dambe ee ciyaarta waxana la sheegayaa in uu xiddigu tababarihiisa ku yidhi hadalo kulul oo xun.