Xiddig Man City Ah Oo SHAN Jibaarka Mushaharkiisa Ka Helay Saudi Arabia!!

0
89

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Garabka Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa bartilmaameedka xiga u noqonaya kooxda Al Ahli haddii ay degdeg u dhammayso saxeexyada goolhaye Edouard Mendy iyo weeraryahan Roberto Firmino.

Heshiiska Mendy ayaa dhacay iyadoo Al Ahli saxeexiisa la gaadhay Chelsea halka ay haatan ku jiraan qaybaha ugu dambeeya ee wadahadalka ay ku helayaan Roberto Firmino oo xor ugaga imanaya Liverpool.

Xiddiga xiga ee ay isha Al Ahli hayso ayaa ah Mahrez oo ay usoo bandhigeen mushahar 43 Milyan pound ah sanadkii iyagoo gunnooyina ugu daraya heshiiskuna guud ahaan laba sano yahay.

Waxa la fahamsan yahay in Mahrez oo haatan fasax ugu maqan koonfurta France uu xiisaynayso inuu waayihiisa ciyaareed ku dhammaysto Saudi Arabia.

Riyad ayaa 33 sano jirsan doona bisha February ee sanadka dambe, heshiiska uu ka helay Al Ahli ayaa mushahar ahaan shan jeer ka badan midka 8.5 Milyan pound-ka ah ee uu sanadkii hore u saxeexay Sky Blues.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa la sheegayaa in Mahrez uusan hubin haddii ay tahay wakhtigii ugu fiicnaa ee uu ka tagi lahaa Man City oo uu hadda uun saddexley kula guuleystay walow uusan qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ku faraxsanayn wakhti ciyaareed yaraantiisa.

Sidoo kale waxa su’aali saaran tahay haddii City Riyad oo heshiiskiisa kooxdu ilaa 2025 gaadhsiisan yahay u ogolaan doonto inuu mar la baxo Ilkay Gundogan oo isaguna muhiim u ahaa xilli sidoo kale Bernardo Silva xiiso uga imanayo Al Hilal.