Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa ansixiyey ciyaartoy uu doonayo inuu noqdo saxeexa koowaad ee ay kooxdiisu samaynayso xagaaga foodda inagu soo haya, waana weeraryahan uu Xavi la dhacsan yahay qaab-ciyaareedkiisa oo ay si xor ah kula soo wareegi karayaan.
Barcelona ayaa waxay doonaysaa in ay hesho weeraryahan dhexe oo u beddela Robert Lewandowski, iyaga oo saluugsan Ferran Torres iyo Ansu Fati oo aanay midkoodna u arag inuu buuxin karayo booska gool-dhaliyaha reer Poland.
Lewandowski oo ay da’diisu tahay 34 jir ayaa waxay Barcelona xagaagii kasoo iibsatay Bayern Munich, waxaana 41 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay uu u dhaliyey 29 gool iyo toddoba kale oo uu caawiyey.
Sida uu qoray wargeyska El Nacional, Xavi Hernandez ayaa waxa uu calaamadsaday oo uu kooxdana ku riixayaa inay u keenaan weeraryahanka Crystal Palace iyo xulka Ivory Coast ee Wilfried Zaha oo dhamaadka xilli-ciyaareedkanb uu ku egyahay qandaraaskiisu.
Zaha oo 30 jir ah aya waxa 26 ciyaarood oo uu u saftay kooxdiisa Crystal Palace xilli-ciyaareedkan, waxa uu u dhaliyey toddoba gool iyo saddex kale oo uu caawiyey, waxaana marka loo baahdo uu ka ciyaari karaa weerarka tooska ah ee No.9 inkasta oo uu u badan yahay garabka.
Si kastaba, Barcelona aya waxa kale oo ay isha ku haysaa weeraryahanka reer Brazil ee Vitor Roque oo ah 18 jir, balse waxay kaaga qanacsan yihiin Zaha marka loo eego khibraddiisa.