Xiddig U Ciyaara Man United Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan

0
79

Baladweyne (Radio Beerlula)-JManchester United ayaa xaqiijisay in Marcel Sabitzer uu dhaawac jilibka ah ku seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Sabitzer ayaa ku biiray Red Devils bishii January isaga oo amaah kaga soo biiray Bayern Munich waxana uu door ka ciyaaray qaab ciyaareedka kooxda.

Intii uu joogay United, Sabitzer ayaa dhaliyay 3 gool halka uu caawiye ka noqday mid kale 18 kulan oo uu ciyaaray.

Si kasta ha ahatee xiddiga reer Austria ayaa seegay kulankii Wolves ee premier League sabab la xidhiidha dhaawac jilibka ah.

Man United ayaa haatan daaha ka qaaday in xiddiga amaahda uga maqan Bayern uu garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawac ka soo gaaray jilibka.

Sabitzer ayaa seegi doona 3-da kulan ee ugu dambeeya ee horyaalka premier League iyo waliba Final-ka tartanka FA Cup-ka ay la ciyaari doonaan Man City.