Baladweyne ( Radio Beerlula )-Daafaca dhexe ee reer England, Eric Dier, ayaa qirtay in uusan wax wada hadal ah la yeelan tababaraha xulka, Thomas Tuchel, tan iyo markii laga saaray qorshaha Three Lions sanadkii 2022.
Tuchel, oo dhawaan ku dhawaaqay liiska 24 ciyaaryahan ee kulammada isreebreebka Koobka Adduunka 2026 ee ay England la ciyaarayso Andorra iyo Serbia, ayaa sameeyay isbeddello badan oo uu ku daray dhalinyaro cusub sida Elliot Anderson iyo Djed Spence. Si kastaba, magaca Dier mar kale laguma darin, inkastoo uu khibrad badan leeyahay isla markaana uu xilli ciyaareed fiican ku qaatay Monaco.
Dier, oo 31 jir ah, wuxuu England u ciyaaray markii ugu dambeysay 2022, wuxuuna ka mid ahaa xiddigihii uu Tuchel keenay Bayern Munich bishii Janaayo 2024, balse taasi ma aysan noqon sabab uu ugu yeero mar kale xulka qaranka.
Markii uu la hadlay The Telegraph, Dier ayaa xaqiijiyay inuusan xiriir shaqsi ah la samaynin Tuchel:
“Maya, maya. Marnaba kamaan wada hadlin tan iyo markii uu noqday tababaraha England. Waxaan dhowr jeer la hadlay kaaliyihiisa Anthony [Barry], oo aan si fiican isu naqaan intii aan Bayern wada joogney. Laakiin wada sheekaysigeennu waa mid gaar ah oo aanan faahfaahin doonin.”
Inkasta oo uu ka maqan yahay xulka, Dier ayaa weli rumeysan in uu fursad u leeyahay haddii uu sii wado qaab ciyaareedkiisa Ligue 1. Hase yeeshee, waxaa muuqata in Tuchel uu doonayo in uu jiil cusub u dhiso England, taasoo sii adkaynaysa rajada daafaca khibradda leh.


