Xiddiga Garoonka Iyo Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Chelsea Iyo Bournemouth

0
70

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Waa ay sahlan in ciyaar wanaag iyo taatiko laga hadlo. Inkastoo uu Mauricio Pochettino uu dareemayo inay u qalmeen inay badiyaan kulamadii ugu danbeeyay hadana miiska kala sareynta been ma sheego.

Shan dhibcood ayay ka heleen shan kulan iyagoo ku jira kaalinta 14aad, mana ahan boos ay ku qancayaan taageerayaasha Chelsea iyagoo ogsoon in kooxdooda lagu qarashgareeyay in ka badan hal bilyan ginni muddo sannad ka yar.

Inat ka badin waayaan Bournemouth oo ah koox awoodeeda ay xadidan tahay islamarkaana aan badinin sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ayaa ceeb weyn ah.

XIDDIGA GAROONKA

Max Aarons (Bournemouth) – Daafaca garab waxaa loo dhiibay shaqo adag oo ah inuu raacdo Mykhailo Mudryk kaasoo ciyaartaan ku soo bilowday, Aaron ayaana jeebka ku ritay xiddiga reer Ukraine. Wuxuu sidoo kale xakameeyay Raheem Sterling isagoo ku guuleysatay inay kooxdiisa dhibic muhiim ah ka hesho Chelsea.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Bournemouth: Neto 8, Aarons 8, Zabarnyi 7, Kelly 7, Kerkez 7, Christie 6, Cook 7, Ouattara 6, Billing 7, Tavernier 7, Solanke 7.

Bedel: Brooks 6, Sinisterra 6, Kluivert 7, Senesi 6

Chelsea: Sanchez 7, Gusto 7, Disasi 7, Thiago Silva 7, Colwill 7, Gallagher 8, Ugochukwu 7, Sterling 7, Fernandez 7, Mudryk 6, Jackson 6.

Bedel: Palmer 6, Chilwell 6