Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciyaartoyda Manchester United ayaa aaminsan in Erik ten Hag uu aqbalay in laga ceyriyo shaqada dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii ay arkeen isbedel ku yimid hab dhaqankiisa.
Ten Hag ayaa cadaadis badan ku hoos jira iyadoo Man United ay qarka u saaran tahay inay seegto u soo bixitaanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Sir Jim Ratcliffe oo saami ka iibsaday kooxda ayaa doonaya inuu isbedelo ka sameeyo Old Trafford xagaagan, waxaana taasi qeyb ka noqon karta in Ten Hag la ceyriyo inkastoo uusan weli go’aan kama danbeys ah ka gaarin.
Si kastaba, sida ay sheegtay The Sun ciyaartoyda Man United ayaa arkay in Ten Hag uu jiro jawi ka duwan midkii hore, taasoo soo jeedineysa inuu ogsoon yahay in waqti la amaahday uu ku joogo Old Trafford.
Milkiile Ratcliffe ayaa diiday inuu warbaahinta horteeda taageero ugu muujiyo 51 jirkaan, wuxuuna sidoo kale ka cagajiiday inuu ka hadlo shaqada uu Ten Hag qabtay ilaa iyo hadda.
Isla wargeyska ayaa sheegaya in Graham Potter uu ugu cadcad yahay inuu bedelo Erik ten Hag.