Xiddigihii Sannadka Ee Horyaalka Premier League Oo Lagu Dhawaaqay

0
210

Baladwayne ( Radio Beerlula )Bukayo Saka ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League sannadkan ee da’yarta ah, waxaana uu ku garaacay Erling Haaland iyo Moises Caicedo oo ahaa tartameyaasha loo saadaalinayey.

Laacibka Arsenal oo xilli-ciyaareedkii tegay dhaliyey 14 gool oo horyaalka Premier League ah, sidoo kalena caawiyey siddeed kale, ayaa waxa ay liiska gaaban ee saddexda tartame iskugu soo hadheen Erling Haaland oo 36 gool oo Premier League ah u dhaliyey Man City iyo Moises Caidedo.

 

Xaflad lagu qabtay Lowry Theatre ayaa waxa uu Saka ku noqday xiddiga sannadka ee da’yarta, hase yeeshee Erling Haaland ayaa isaguna ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee horyaalka Premier League.