Xiddigii Arsenal Dhaawaca Ku Ogeyd Ee Gabriel Jesus Oo Ku Biiray Xulka Qaranka Brazil

0
101

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Weeraryahanka Arsenal ee Gabriel Jesus  ayaa loogu yeedhay xulka qarranka dalkiisa ee Brazil oo uu maanta ku biiray si uu ula qaato tababarka ay iskugu diyaarinayaan kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee bishan November.

Gabriel Jesus oo dhaawac kaga maqnaa Arsenal shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey, isaga oo u jiifay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Sevilla ee October 24 ee tartanka Chamions League, ayaa waxa uu ka mid noqday liiska ciyaartoyda xulka qarankiisa Brazil.

Laacibkan oo aan sidoo kale joogin ciyaartii Burnley ay 3-1 Gunners ku garaacday Axaddii, ayaa waxa la sheegay in uu gaadhay garoonka ay tababarka ku qaadanayaan ciyaartoyda xulka Brazil ee isku diyaarinaya kulamada adag ee Colombia iyo Argentina.

Brazil ayaa waxa ay November 17 oo ah Jimcaha ay la ciyaari doontaa Colombia, waxaana la sheegay in fursadda Jesus ee kulankaasi ay yar tahay, balse uu taam u noqon doono ciyaarta Argentina ee Arbacada toddobaadka dambe.

Arsenal ayaan ku faraxsanayn in Gabriel Jesus  uu ka mid noqdo xulka qaranka Brazil sababtoo ah waxa ay jeclaan lahaayeen in uu ku negaado London oo uu si buuxda usoo kabto.