Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa guul ay ka gaadhay Brentford oo ay magaalada London ka wada dhisan yihiin, waxay kula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League, iyadoo hal dhibic dhaaftay Manchester City oo barbarro la gashay Liverpool.
Kai Havertz ayaa dhaliyey goolka madiga ah ee Arsenal siiyey saddexda dhibcood ee sababta u noqday inay la wareegaan hoggaanka horyaalka.
Toban daqiiqadood oo kaliya ayuu ku jiray Kai Havertz markii uu shabaqa soo taabtay ee uu madaxa ku qabtay kubbad ka timid dhinaca midig oo uu lugta bidix kusoo qaaday Bukayo Saka oo dedaal badan samaynayey, laakiin waxa goolkaas ka horreeyey mid kale oo uu dhaliyey Leandro Trossard oo ay VAR diidday.
Brentford waxay dhinaceeda samaysay dedaal badan, waxaana laba jeer laynka goolka laga soo celiyey laba kubbadood oo ay dhaafisay goolhayaha Arsenal ee Aaron Ramsdale oo waliba mid ka mid ah kubbadaha isku dhiibay.
Xiddigii garoonka
Ma jirin ciyaartoy si gaar ah u cadcaddaa ee loo nisbayn karayay inuu yahay xiddiga u qalmayay abaal-marinta xiddigii garoonka, balse waxa loo go’aamiyey Oleksandr Zinchenko oo bandhig fiican sameeyey, isla markaana shabaqa kooxdiisa kasoo celiyey kubbad sii dhalanaysay.
Oleksandr Zinchenko waxa uu qiimaynta ciyaarta kala sinnaa sagaal ciyaartoy oo kale oo laba kooxood ah.
Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood
Brentford: Flekken (6), Pinnock (7), Norgaard (6), Wissa (6), Ghoddos (6), Onyeka (6), Mee (7), Mbeumo (6), Ajer (6), Janelt (7), Yarmoliuk (6).
Beddelka: Maupay (6), Baptiste (6), Lewis-Potter (n/a), Jorgensen (n/a)
Arsenal: Ramsdale (6), Tomiyasu (7), Gabriel (7), Saliba (7), Zinchenko (7); Rice (7), Odegaard (6), Trossard (6); Saka (7), Jesus (6), Martinelli (6).
Beddelka: Nketiah (6), Havertz (7), Jorginho (n/a), White (n/a)