Xiddigii Garoonka Ee Waqtiga Hore La Go’aamiyey, Shantii Laacib Ee Ceeboobay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Everton vs Man United

0
97

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Manchester United ayaa guul dahabi ah oo ay aad ugu baahnayd kasoo gaadhay Everton, waxaanay ahayd libintii saddexaad ee xidhiidh ah ee horyaalka Premier League ay kasoo hoysay Red Devils, taas oo keentay inay lix dhibcood u jirsadaan figta sare ee hoggaanka.

Alejandro Garnacho ayaa dhaliyey gool qurux badan oo uu daqiiqaddii saddexaad ku furay ciyaarta, isaga oo qalaama-rogad ku dhaliyey kubbad sarraysay, waxaanu goolkaasi ku tartami doonaa goolka sannadka ee horyaalka Premier League.

Marcus Rashford ayaa saxeexay goolka labaad oo ahaa rikoodhe lagu galay Anthony Martial oo uu gool u sarrifay, halka goolka saddexaadna uu ku daray Anthony Martial.

Shantii ciyaartoy ee ceeboobay

Shan ciyaartoy oo Everton ah ayaa ceeboobay, sababna u ahaa guul-darrada kooxdooda. Waxa masuuliyadda koowaad iyo ceebtaba isku darsaday Jordan Pickford iyo Ashley Young oo isagu ahaa ciyaartoyga rikoodhaha galay. Waxa kale oo ay habeen madow u ahayd Gueye oo qabsan waayey shaqadiisa kubbad burburinta, sidoo kalena khasaariyey kubbad uu ciyaarta ku barbarrayn lahaa bilowgiiba, halka McNeil iyo Doucoure ay iyaguna ahaayeen maqaneyaal jooga.

Shantan ciyaartoy ayaa ahaa kuwa ugu liitay ciyaarta, waxaanay heleen qiimayn isku mid ah oo ahayd darajada 5.

Xiddigii garoonka

Ma jirin ciyaartoy xiddiga garoonka ku qabsan karayay Alejandro Garnacho oo 180 ilbidhiqsi oo kaliya markii ay ciyaartu socotay meel dhigtay xiddignimadiisa ciyaarta. Anthony Martial oo rikoodhe lagu galay, goolna dhaliyey ayaa uu hunguri ka hayey xiddignimada garoonka, laakiin qaabka uu Garnacho u dhaliyey goolka furitaanka iyo dedaalka uu ka samaynayay garabka midig ayaa ahaa mid aan lagula tartami karayn.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Everton: Pickford (5), Young (5), Tarkowski (6), Branthwaite (6), Mykolenko (6), Gueye (5), Garner (6), Harrison (5), McNeil (5), Doucoure (5), Calvert-Lewin (6).

Beddelka: Danjuma (6), Patterson (6), Chermiti (n/a), Dobbin (n/a).

Man Utd: Onana (8), Dalot (7), Maguire (8), Lindelof (7), Shaw (7), Mainoo (8), McTominay (7), Rashford (7), Fernandes (7), Garnacho (9), Martial (8).

Beddelka: Pellistri (7), Amrabat (6), Wan-Bissaka (6), Hannibal (n/a).