Xiisad ka soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

0
337

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxwaynaha Falastiini Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in Falastiiniyiinta aysan u hogaansami doonin heshiisyadii ay horey ula galeen Israa’iil.

Ku dhawaaqidda arrintan ayaa timid ka dib kulan degdeg ah oo ay Falastiiniyiinta yeesheen.

Waxay tallaabadani ka dambaysay ka dib markii ay Israa’iil burburisay dhismooyiin ay Falastiiniyiinta leeyihiin oo ay Isra’iil sheegtay in si sharci daro ah looga dhisay magaalada Qudus.

Heshiiyadan u dhaxeeyay Israa’iil iyo Falastiiniyiinta oo la saxiixay 25 sano ee ugu dambeyay ayaa waxaa soo hoos galaya arrimo badan oo muhim ah oo ay ka mid tahay iskaashi dhanka ammaanka ah.

Israa’iil wali kama aysan hadlin tallaabada maamulka Falastiiniyiinta ee ah in ay heshiisyada ka bixi doonaan.

Mr Cabaas ayaa sheegay in la dhisi doono guddi ka shaqeeyn doona sidii loo dhaqangalin lahaa go’aanka xukuumadda Falastiiniyiinta.

Xiisadda u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa sare u kacaysay maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii la dumiyay dhismooyiin ku yaalla Wadi Hummus,oo ay maxkamad sare ee Israa’iil sheegtay in laga dhisay meel aad ugu dhaw deerta ay israa’iil ka dhistay daanta galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here