Xiisadda Marinka Baabul Mandeb oo saameysay Geeska Afrika.

0
130

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiisadda ka taagan Marinka Baabul Mandeb iyo guud ahaan Badda Cas ayaa saamayn xooggan ku yeelatay ganacsigii shidaalka iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga guud ee caalamka.

Waxay si gaar ah ay saamaynta ugu badan ku yeelatay wadamada Geeska Afrika oo ganacsigoodu uu ku tiirsan yahay dhaq-dhaqaaqa Marinka Baabul Mandeb.

Marinka Baabul Mandeb ayaa sidoo kale muhiim u ah dhaq dhaqaaqa gaadiidka badda ee caalamka.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Xuutiyiinta Yemen ah kordhiyeen weerada ah la beegsanayaan maraakiibta isticmaalaya badda cas.