Xil ka qaadis lagu sameeyay duqa magaalada Baladweyne

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wareegto kasoo baxday wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle mudane Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa Xilkii looga qaaday duqii magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin.

Wareegtada kasoo baxday wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa loogu magacaabay duqa cusub ee magaalada Baladweyne in uu noqdo Cabdullaahi Salaad Kudugey oo badelaya duqii hore ee xilka laga qaaday.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Nadaara.