Xildhibaan isu casilay rooti uu xaday

0
409

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka dagay ka dib markii uu dukaan ka xaday rooti la jeexay oo la dhex galiyay wixii lagu cuni lahaa, xildhibaanka ayaa sheegay in shaqaalaha dukaanka ku yaalla Ljubljana ay u isku mashquuleen oo uu wax la hadla waayay.

Darij Krajcic ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in uu ka xanaaqay “sida loola dhaqmay” uuna go’aansaday in uu tijaabiyo ilaalada dukaanka isaga oo rootigii iskala baxay.

Xatooyadan ayaan la ogaanin, balse xildhibaankan ka tirsan xisbiga talada haya ee Marjan Sarec List ayaa markii dambe ku adkaystay in uu dukaanka ku laabtay si uu lacagta u bixiyo.

Xildhibaan Krajcic ayaa raali gain bixiyay, wuxuuna sheegay in uu ka xunyahay “tijaabada uu sameeyay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here