Xildhibaan u geeriyooday Covid maalmo kahor dhaartiisa.

0
251

Baladweyne(Radio Beerlula)-Xildhibaan dhowaan la doortay ayaa u geeriyooday Covid-19 – waa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan Kongareeska Mareykanka oo u dhinta cudurka.

Luke Letlow, oo Jamhuuriga ka tirsanaa isla markaana 41 jir ahaa, ayaa matalayay degmada 5-aad ee Louisiana waxaana lagu waday in la dhaariyo Axadda soo socota.

Wuxuu 18-kii bishan December ku dhawaaqay in laga helay coronavirus kaddibna isbitaal ayaa loola cararay.

Barasaabka Louisiana John Bel Edwards ayaa amray in maalinta duugta Letlow la dejiyo calanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here