Baladweyne (Radio Beerlula)-Xildhibaan u dhashay dalka Japan ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee laga ceyriyo aqalka Senet-ka ee dalkiisa isaga oo aan waligiis soo xaadirin baarlamaanka.
Yoshikazu Higashitani, oo sidoo kale ah YouTuber ka faallooda wararka xanta dadka caanka ah, ayaa Talaadadii ay xubnaha Senate-ka ceyriyeen isaga oo la sheegay in waligiis uusan soo xaadirin kal-fadhiyada.
Higashitani ma uusan soo xaadirin hal kalfadhi tan iyo markii la doortay todoba bilood ka hor.
Guddigii Anshaxa ee Baarlamaanka ayaa xilkiisa kala noqday, maadaama uu ka maqan yahay kalfadhiyada baarlamaanka.
Xildhibaanka ayaa Youtube-ka looga yaqaanaa Gaasyy waxaa uuna caan ku yahay muuqaallada maaweelada.