Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta meelmariyay Hindise Sharciyeedka Nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa.

0
184

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xildhibannada golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa meelmariyay Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa kaasoo baarlamanka ay horgeysay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdulahi Cumar Abshirow, waxana ogaaladay 148 xildhibaan, waxana diiday 2 xildhibaan, wax ka aamusaneyna ma jiro.

Warbixintan waxaa soo jeedinayaa Aadan Cabdi Axmed