Xildhibaanada UK oo taageeray dib u dhigista xilliga Britain ka baxso midowga Yurub.

0
257

Baladweyne(Radio Beerlula)- Baarlamanka dalka Ingiriiska ayaa tageeray in dib loo dhigo xiliga Britain ay ka baxeyso midowga Yurub.

Raa’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay inuu shaaca ka qaadi doono qorshahiisa ku aaddan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub inkastoo xildhibaanada ay taageereen in dib loo dhigo xilliga ay Britain ka baxayso Midowga Yurub.

Waxa uu wacad ku maray inuu toddobaadka soo socdo baarlamaanka horgeyn doono sharciyo lagu meel marinayo heshiiskiiska Brexit-ka.

Balse waxa uu Midowga Yurub weydiisan doonaa muddo kororsi ku aaddan xilligii UK loo asteeyay inay ka baxdo Midowga Yurub ka dib markii baarlamaanka ay taageereen mooshin loogu talagalay inay Britain Midowga Yurub ka baxdo heshiis la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here