Xilliga la qabanayo Shirweynaha Madaxda Afrika & Ruushka oo la shaaciyey.

0
109

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xilli uu sii kordhayo xifaaltanka iyo loolanka Siyaasadeed ee Raashiya iyo Maraykanka ee Kasbashada Qaaradda Dihan ee Afrika ayaa waxay Dowladda Raashiya mar kale ku dhawaaqday Shirweynaha Labaad ee uu Madaxweyne Vladimir Putin la yeelan doono Madaxda dalalka Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Raashiya, Sergey Lavrov oo haatan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Koonfurta Africa ee Pretoria waxa uu rajo ka muujiyey Shirweynaha Labaad ee Raashiya & Afrika.

Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Lavrov isaga iyo dhigiisa South Afrika, Naledi Pandor ayaa xusay in Raashiya iyo Afrika u bilaaban doono Xiriiro Heer Cusub.

Sergey Lavrov waxa uu tilmaamay inay Wasiirad Naledi Pandor ka wada hadleen Arrimaha U-Diyaar-garowga Shirweynaha Labaad ee Afrika iyo Raashiya oo dabayaaqada bisha July ee sanadkan lagu qaban doono magaalladda Saint Petersburg oo ku taalla W/Galbeed ee dalka Raashiya.