Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sida laga soo xigtay talkSPORT, Bryan Mbeumo ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe u maro baaritaanka caafimaad kooxda Manchester United.
Heshiiska lala gaarayo Brentford weli lama dhammeystirin, balse guud ahaan qiimaha heshiiska ayaa ka badan £62.5 milyan oo ay Manchester United horey ugu bixisay Matheus Cunha oo ay kala soo wareegtay Wolves.
Mbeumo ayaa si weyn u doonaya inuu ku biiro Manchester United, isagoo horey u diiday dalabyo uga yimid Tottenham iyo Newcastle.
Xiddiga 25-jirka ah ee heerka caalami ee u ciyaara xulka Cameroon ayaa u muuqda mid u dhaqaaqaya koox cusub, kaddib markii uu Brentford u dhaliyay 20 gool xilli ciyaareedkii Premier League ee ugu dambeeyay.