Xisbiga Midigta Fog oo ku guuleystay wareega hore ee Doorashada Faransiiska.

0
50

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday wareega koowaad ee doorashada baarlamaaniga dalka Faransiiska ee dhacday Axaddii shalay ayaa muujineysa, in uu ku guuleystay xisbiga midigta fog ee RN ee ay hogaamiso haweeneyda mayalka adag Marine Le Pen.

Inkasta oo natiijada rasmiga ah ay ku xirnaan doonto maxsuulka wareegga labaad ee doorashadan oo la qaban doono todobaadka danbe, ayaa haddana sida ay warbaahinta maxalliga ah ee Faransiiska iyo kuwa caalamiga ahba ay ku warramayaan, in xisbiga RN uu doorashadi shalay ka helay codad dhan boqolkiiba 34.

Tani ayaa dhabarjab weyn oo siyaasadeed ku ah madaxweyne Emmanuel Macron oo horraantii bishaan iclaamiyay doorashadan laga soo hormariyay waqtigeedii caadiga ahaa, kaddib jabki dharbaaxadi xisbigiisa kasoo gaartay doorashadii Baarlamaanka Yurub.

Isbaheysiga Wadajirka ee uu qeybta ka yahay xisbiga madaxweyne Macron ayaa lagu wadaa in doorashadi shalay ay ka helaan codad dhan 20.5% ilaa 23%.