Xisbiga u janjeera Midowga Yurub oo ku guuleystay doorashada Moldova

0
110

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xisbiga taageersan Yurub ee madaxweynaha Moldovan Maia Sandu ayaa sheegtay guul iyo aqlabiyad cusub oo baarlamaanka ah, doorashadii Axadii taas oo loo arkayey inay muhiim u tahay wadada mustaqbalka ee dalkeeda ee Midowga Yurub.

Sandu ayaa ka digtay “faragelin ballaaran oo Ruushku sameeyo” ka dib markii ay codeeysay, iyadoo sheegtay in mustaqbalka Moldova, oo ay wada jiraan Ukraine iyo Romania, uu halis ku jiro.

Hogaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka iyo Poland ayaa Moldova ugu hambalyeeyay “sida ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda” — inkastoo ay ku tilmaameen “faragelin aan horay loo arag oo Ruushku ku sameeyay” doorashadii baarlamaanka.

Guusha aqlabiyadda leh ee xisbiga madaxweyne Maia Sandu ee taageersan Midowag Yurub (EU) waxay la macno tahay in ay hadda sii wadi karaan xubinnimada Midowga Yurub iyagoon ku tiirsanayn saaxiibada isbahaysiga.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Moscow, oo helay wax ka yar afar meelood meel codadka, ayaa wacad ku maray in “aanu tanaasuli doonin,” oo uu codsi u dirayo maamulka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here