Xog ururin laga sameeyay baahiyaha ka jira deegannada Hirshabeelle oo lagu soo bandhigay Baladweyne.

0
307

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirada, gargaarka, haweenka qorsheynta Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ururada bulshada rayida iyo qaar ka mid ah hay’addaha samafalka ayaa ka qeyb galay kulan lagu soo bandhigayay xog ururin lagu sameeyay baahiyaha ka jira deegannada Hirshabeelle kaasoo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ee magaalada Baladweyne.

Wasiirka gargaarka iyo Mareynta masiibooyinka Hirshabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa ka waramaya waxyabaha diirada lagu saaray xog ururintan.

Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa tilmaamay in hay’addaha samafalka sannadkii hore baahiyihii jiray ay wax ka qabteen oo kaliya 12% boqolkiiba.

Wasiirka gargaarka Hirshabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa sheegay in xog ururintan ay soo bandhigeen hay’addaha samafalka sidoo kale maamulka iyo bulshada ay ku birin doonaan baahiyaha jira.

Warbixintan waxaa noo haya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here