Xog ururin laga sameeyay Baladweyne iyo Galkacyo oo lagu soo bandhigay Muqdisho

0
293

Baladweyne( Radio Beerlula)- Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayay sida looga hortagi karo gudniinka fircooniga islamarkana lagu soo bandhigay xog ururin ku saabsan dhibaatada laga dhaxlo gudniinka oo laga sameeyay Baladweyne, Muqdisho iyo Galkacyo.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay,xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, culumaaudiin iyo marti sharaf kale.

Culumaaudiinka ka qeyb galay kulanka ayaa ka waramaya wax ay ka  qabto diinka islaamka guddniinka lagu sameeyo gabdhaha.

Ifraax Axmed oo madax ka ah hay’adda u ololeysa ka hortaga gudniinka, xeerilaaliye ku xigeenka qaranka Axmed Cabdulahi Maxamuud ayaa sheegay in muhiim ay tahay in sharci loo helo ka hortaga gudniinka fircooniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here