Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa gaaray Ruushka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir madaxeedka dalalka BRICS ee uu martigelinayo Madaxweyne Vladimir Putin kaasoo bilowday 22-kii bishan.
Dowlada Ukraine ayaa dhaleeceyn culus oo ku saabsan ka qeyb galka shirkan u jeedisay Guterres.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan labaatan waddan oo aan reer Galbeed ahayn.
Arrimaha looga hadlayo shirkan ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha ka jira dunida sida colaadaha, isbadalka cimilada, dhaqaalaha iyo amniga.
Madashan oo ay ku mideysan yihiin Ila 10 dal ayaa la aasaasay sannadkii 2006-dii, waxana shirka 16-aad ee madashan ka qeyb galaya dalal aan xubno ka aheyn oo lagu casuumay.