Xornimada Jabuuti oo looga dabal degay Baladweyne

0
421

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabadan oo aheyd mid loogu dabaal dagay 42 sano guuradii kasoo wareegatay markii wadanka Jabuuti oo ka xuroobay Gomeeystiyahii Faransiiska 1977kii ayaa lagu qabtay xarunta ciidamada amisom ee deegaanka ceel jaale  ee duleedka baladweyne

Munaasabada oo ay soo agaasmeen taliska ciidanka jabuuti waxaa kasoo qeyb galay madaxweynaha hirshabeelle Maxamad Cabdi Waare, wasiiro xildhibaano ka tirsan hirshabeelle maamulka gobolka hiiraan saraakiil kasocotay xafiisyada qaramada midoobey ee magalada baladweyne madaxda ciidamada amisom iyo kuwa xooga dalka qeybta gobolka hiiraan iyo qeybaha bulshada baladweyne

Taliyaha Qeybta  Afaraad ee Ciidamada AMISOM korneel maxamed ibraahin muuse ayaa u hambalyey shacaka Reer Jabuuti waxaana uu tilmaamay in jabuuti ayaa qeeyb weyn ka qaadatay soo cilinta nabada Soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cabdi waare ayaa u  hambalyeeyay  madaxda iyo shacabka jabuuti waxaana uu bogaadiyay kaalinta jabuuti ay qaadatay dib u soo celinta xasilinta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here