Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka bartoolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamuud , taliyaha ciidanka nabad sugida Soomaalia Maxamed Cabdullahi Cali Sanbaloolshe iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa kormeeray xarumaha maamulka gobolka Hiiraan ee xerada lama galay oo lagu wareejiyay ciidamada dowladda kadib markii heshiis lala gaaray maamulkii Hiiraan State.
Xarumaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka muuqdo burbur xoogaan iyadoona lagu wado in dhawaan la dhagax dhigo dhismaha xarumaha maamulka si bulshada loogu adeego.
Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan