Xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Warsheekh oo la doortay.

0
118

Baladwayne (Radio Beerlula )-Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabelle Mudane Cabdi Daahir Guure Karoore iyo Guddomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa goob joog ahaa Doorashada xubno katirsan golaha Deegaanka Degmada Warsheekh oo maanta Doorashadooda ka dhacday Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Doorashada Golaha deegaanka oo maanta si toos ah u bilaabatay ayaa lagu doortay Todobo kursi oo kamid kuraasta Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Warsheek.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin