Xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne oo kormeeray barakacayasha Baladweyne.

0
279

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha degmada Baladweyne Cismaan dhicisow dhuubow iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xeryaha barakacayasha magaalada si ay ugu kuur galan xaaladooda nololeed.

Cismaan dhicisow dhuubow ayaa sheegay in durufow kala duwan ay heystan dadkan islamarkana xeryahan ay ku soo barakaceen qoysas kale oo guryahooda ay galeen daadad ka dhashay roobabkii ka da’ay magaalada Baladweyne iyo deegannada hoose yimada islamarkana looga baahan yahay hay’addaha samafalka inay caawiyaan dadkan dhibaateysan.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here