Baladweyne(Radio Beerlula)-Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Maxamed Cabdulahi Buraale, guddoomiyaha ururka ka hortaga gudninka fircooniga ee gobolka Hiiraan Maryan Xassan Cabdulle iyo xubno kale.
Farxaan Cumar Carte ayaa sheegtay in xubnahan shahaado sharafta ay wax badan u qabteen bulshada magaalada Baladweyne.
Guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte iyo guddoomiyaha ururka ka hortaga gudniinka fircooniga Maryan Xassan Cabdulle ayaa ka mahad celiyay shahaado sharafta la guddoonsiiyay.
Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.