Xukun dil ah oo lagu xukumay hogaamiyihii hore ee Bangladesh Sheikh Hasina

0
92

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dacwad oogayaasha dalka Bangladesh ayaa dalbaday in la dilo raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Sheikh Hasina, kadib markii ay dad badan ku dhinteen dibadbaxyo ay ardaydu hogaaminayeen oo dalkaas ka dhacay sanadkii hore, kaas oo xilka looga tuuray.

Hasina, oo u carartay dalka Hindiya, ayaa waxaa lagu wadaa in lagu maxkamadeeyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Sida laga soo xigtay cod la dusiyay, waxay ku amartay ciidamada ammaanka inay dibedbaxayaasha “u adeegsadaan hubka wax gumaada” balse eedeymahaas way iska fogeysay.

Ilaa 1,400 oo qof ayaa lagu dilay toddobaadyo rabshado wata dhacay, kaas oo soo afjaray xukunkii Hasina ee 15-ka sano jirsaday.

Waxay ahayd rabshadihii ugu xumaa ee Bangladesh ka dhacay tan iyo dagaalkii xornimada lagu qaatay ee 1971.

Madaxa dacwad oogaha Tajul Islam ayaa sheegay in Hasina ay mudan tahay In loo ciqaabo 1,400 qof oo dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here