Xukun lagu riday gabar wariye ah oo lagu eedeeyay in ay ilmo iska soo xaaqday.

0
301

Baladweyne(Radio Beerlula)- Haweeney Wariye ah oo u dhalatay waddanka Morocco ayaa lagu riday xukun xabsi hal sano ah.

Dadka xuquuqda aadanaha u dooda  ayaa kiiskan ku tilmaamay mid qeyb ka ah howlgallada ay dowladda ku bartilmaameedsato wariyeyaasha aan taageersaneyn xukuumadda.

Hajar Raissouni iyo ninka guursan rabay ayaa bishii August lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Rabat, xilli ay kasoo baxeen xarun caafimaad oo uu leeyahay dhakhtar ku takhasusay arrimaha haweenka.

Gabadhan wariyaha ah ee 28 jirha ah ayaa beenisay eedeymaha dacwdada loogu soo oogay, waxayna sheegtay inay dhakhtarka u aadday si looga daweeyo dhiigbax gudaha ah.

Hajar ayaa u shaqeyneysay wargeys madax bannaan oo qora maqaallo lagu dhaleeceeyo saraakiisha dowladda, kaasoo lagu magacaabo Akhbar Al-Yaoum,kaasoo si maalinle ah loo soo saaro.

Hase yeeshee Hajar waxay dacwadda ku qeexday “maxkamadeyn siyaasadeed”, iyadoo sheegtay in boolisku ay horay su’aalo uga weydiiyeen arrimaha ku saabsan qoyskeeda iyo qoraallada ay sameyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here