Xukun lagu riday Nin $40,000 ka xaday xaflad aroos

0
163

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Farxaddii ayaa isku bedeshay naxdin lamaane isku guursaday Singapore markii tuug uu la baxay ku dhawaad $39,083 oo ku jirtay baqshadaha cas ee soo dhawaynta arooskooda.

Dembiilaha Lee Yi Wei, oo markii dambe lacagtaas ku khamaaray, ayaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah Talaadadii, waxaana lagu amray in uu magdhow siiyo lamaanaha.

Muddada xabsiga waxaa lagu kordhin doonaa 100 maalmood haddii uu awoodi waayo inuu dib u bixiyo lacagta.

36-jirkan ayaa ka shaqeynayey jiray hoteelka ay ku aqal-galayeen arooska, waxaana uu yaqaannay qaabka loo sameynayo shaqada, sida ay sheegtay maxkamadda Singapore.

Dhaqamo badan oo Aasiya ah, martida aroosku waxay caadi ahaan siiyaan dadka isqabta lacag, badanaaba baqshadaha cask u jirta , taas oo calaamad u ah nasiib wacan.

Baqshadahan waxaa badanaa lagu ridaaa sanaadiiq waaweyn oo la dhigo miis cad oo martida ay soo dhaafi doonaan ka hor inta aysan soo galin hoolka arooska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here