Xulka Argantina oo ku guuleystay koobka Finalissima 2022 kaddib markii ay ka adkaadeen dhigooda Italy

0
170

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xulka Argantina ayaa ku guuleystay koobka Finalissima 2022 kaddib markii ay kaga adkaadeen dhigooda Italy 0-3, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ay labada xul qaran ku qaateen garoonka caalamiga ah ee Wembley.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 uu ku hoggaamineyay xulka qaranka Argantina.

Daqiiqadii 23-aad xulka qaranka Argantina ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Lautaro Martínez, kaddib markii ay caawin kaga timid Lionel Messi.

45 + 1 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Di Maria oo ay caawin ka helay saaxiibkiis Lautaro Martínez ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90 + 4-aad Paulo Dybala oo badel ku soo galay ciyaarta ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay xulka qaranka Argantina wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 uu kaga adkaaday xulka Argantina dhigooda Talyaaniga, Lionel Messi iyo saaxiibadiis oo aad uga awood badnaa kulankan ayaa loo caleemo saaray koobka Finalissima 2022.