Xulka Belgium oo ka soo muuqday kaalinta koowaad qiimeynta billaha xulalka adduunka ee FIFA… (Kaalintee ayay ku jiraan xulkeenna Soomaaliya

0
389

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa maanta shaaciyey qiimeynta billaha ah ee kala sarreynta xulalka Adduunka, waxaana kaalinta koowaad ka soo muuqday xulka qaranka Belgium.

Xulka ku guuleystay Koobka Adduunka 2018 lagu qabtay dalka Ruushka ee France ayaa kaalinta labaad ku sii jira oo aan wax isbedel ah sameynin, si la mid ah xulka Brazil oo kaalinta saddexaad fadhiya oo aysan waxba iska bedelin booskiisa bishii hore.

Xulka qaranka England ay hal tallaabo sare u soo kacay waxaana uu soo galay kaalinta afaraad, halka xulkii gaartay afar dhammaadka Koobkii Adduunka 2018 ee Croatia ay hoos ugu dhaceen kaalinta shanaad.

Uruguay ayaa soo tiigsaday kaalinta lixaad, halka xulka qaranka Germany uu ka soo muuqday kaalinta 13-aad.

Portugal ayaa ku jira kaalinta 7-aad, halka Spain uu ka muuqdo kaalinta 9-aad ee kala sarreynta qiimeynta billaha ee xulalka adduunka FIFA.

Netherlands ayaa labo darajo hoos u dhacay waxaana uu ku jiraa kaalinta 16-aad, halka Sweden uu fadhiyo kaalintii uu bishii hore ku jiray ee 14-aad, xulka Chile ayaana hoos ugu dhacay kaalinta 15-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here