Xulka France Oo Guul Diriqi Ah Ka Gaadhay Xulka Austria

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xulka qaranka France ayaa guul ku bilowday tartanka Euro 2024 ee ka socda dalka Germany.

Xulka France ayaa maamulayay ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay hogaaka u qabtaan ciyaarta.

Xullka Austria ayaa ciyaarayay weeraro rogaal celis ah iyaga oo marar badan halis galiyay xulka France.

Daqiiqadii 38-aad ayuu xulka France dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Maximilian Wober kaas oo si khaldan isaga dhaliyay goolka.

Xulka Austria ayaa isku dayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay dhaliyaan fursadihii ay helayeen.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore oo uu xulka France hogaaminaya ciyaarta iyaga oo ahaa xulka fiican.

Qaybta dambe ayay labada xul sii wadeen raadinta fursadaha ay samaynayaan iyaga oo raadinayay in ay dhaliyaan goolal.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France ku gaadhay guul ay u rafaadeen oo dirqi ahayd.