Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan stadium Muqdisho ayaa lagu ciyaaray galabta kulan kamid ah tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Xulka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa iska xaadiriyey Final-ka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ka dib markii ay galabta reebeen xulka gobolka Banaadir.
Ciyaarta oo waqtigii caadiga ahaa ku soo dhammaatay goolal la’aan 0-0 ayaa Rigooreyaal 4-5 ah waxaa ku badisay Galmudug.
Galmudug iyo Hirshabele ayaa Final-ka ku ballansan 27 Bishaan January.