Baladwayne (Radio Beerlula )-Kulan ciyaareed aad u xiisa badan oo u dhexeeyay K.Galbeed iyo Xulka Jubbaland ayaa Galabta Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ku dhex maray labada Xul, taasi oo qeyb ka ah Koobka Cayaaraha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa usoo daawasho tagay in ka badan 70,000 oo taageerayaal ah, waxa ayna qeybta koowaad kusoo idlaatay bar-bar dhac 1-0, oo ay ku hor kaceeysan Xulka Jubbaland kaasi oo uu dhaliyay Ciyaariyahanka Bakar Sheikh balse isku soo laabasho kadib Xulka Koonfur galbeed ayaa waxaa ay sameeyeen soo laabasho kadib markii ciyaarayahanad Cabdirisaaq Maxamed Cadoow iyo Cabdiraxmaan Xasan ay labo gool ay ka dhaliyeen Xulka Jubbaland , taasi oo ka dhigtay in ay cayaarta kusoo idlaato 2-1 oo ay guusha ku raacday Xulka koonfur Galbeed.